Regional Anaesthetic for Caesarean Section Information Card

Suuxdin Qeyb ka mid ah jirka oo loogu talogalay Qaybta Qaliinka - kaadhka macluumaadka

Suuxdinta qeyb ka mid ah jirka (suuxdin xanguleed ama lafdhabareed) waa nooc ka mid ah xanuun bi'in oo dhabarkaaga hoose laguugu durayo daawada suuxdinta meel jirka ka mid ah si ay u kabaabiyeyso ilaa iyo xabadka hoose. Lugahaagu way kabaabiyoonayaan mana dhaqaajin kartid. Waxayna inta badan qaadaneysaa inta u dhexeysa 10 ilaa 20 daqiiqadood si daawada suuxdinta ay si buuxda u falgasho.

Diyaarsashada daawada suuxdinta

  • Waxaa marka hore faleebo cirbad leh oo lagu magacaabo cirbada xidid ku quudinta (intravenous cannula) looga mudayaa gacantaada.
  • Dhakhtarka suuxiyaha wuxuu dhabarka hoose ugu durayaa daawada suuxdinta meel ka mid ah jirka.
  • Waxaad tuubo lagu magacaabo kateetar la gelinayaa kaadi-haystaada oo eber.
  • Heerka cadaadiskaaga dhiiga iyo ogsijiinta si joogto ah ayaa loo baarayaa.
  • Isbitaalada qaar waxay kuu oggolaanayaan in lamaanahaaga kuula joogo inta aad mareyso nidaamkan, laakin qaarkooda waxay keliya oggolaanayaan waqti kadib.

Faa'iidooyinka daawada suuxdinta qeyb ka mid ah jirka

Tani inta badan waa sida kuugu badbaadsan haddaad u baahato Qaybta Qaliinka. Waxay kuu oggolaaneysaa inay soo toosiso dhalashada ilmahaaga iyo xanuun bi'iye kadib markii la sameeyo suuxdin qeyb ka mid ah jirka inta badana waa mid dhaqangal ah kadib markii la sameeyo suuxdin guud.

Dhibaatooyinka suurogalka ah ee daawada suuxdinta qeyb ka mid ah jirka

Dhakhtarka suuxiyaha waxa uu hubsanayaa si uu u xaqiijiyo inaad dareemayso kabaabiyo kahor intuusan qaliinka billaaban.Baaritaanadan ma aha mid 100% ah oo la isku haleyn karo waxaadna dareemi kartaa dareen aan fiicneen inta uu qaliinka socdo.

  • Waa iska caadi inaad dareento calooshaada oo wax soo riixaya ama soo jiidanaya, mana aha inaad ka qeyliso. Mararka qaar waxaa jiri kara xanuun dhexdhexaad ah oo lagu daweyn karo qaadashada xanuun dilaha oo laguu soo marsiiyo faleebada ama neefsashada aad maaskaraha ama afka. Sida mararka qaarkood waxaad dareemi kartaa xanuun daran. Hadey tani dhacdo, dhakhtarka suuxiyaha waxa laga yaabaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ku siiyo daawada suuxdinta guud. Tani way ku suuxinaysaa.
  • Waa caadi in daawada suuxinta ay sababto cadaadiskaaga dhiiga inuu hoos u dhoco. Tani waxay ku dareensiin kartaa xanuun ama suuxdin. Dhakhtarkaaga suuxdinta waxa uu ku siin doonaa daawo aad ku daweyso xaaladan sida ugu dhaqsiyaha badan ee ay ku dhacdo. Mararka qaar daawada waxaa la siiyaa kahor inta aadan arkin calaamadahan.
  • Halista iyo waxyeelada ay leedahay daawada suuxdinta ee qaar ka mid ah jirka.

    Dhibaatada macquulka ah Siday dhibaatadu caam u tahay
    Cuncun Caam - ugu yaraan 3dii ilaa 10kii qofood 1 ayaa qaba, waxay ku xiran tahay daawada iyo qaadashadeeda
    Dhibic muhiim ah oo ku jirta cadaadiska dhiiga Laf-dhabareed:
    Caam - ugu yaraan 5tii qofood 1 ayaa qaba,

    Xanguleed:
    Marmar - ugu yaraan 50kii qofood 1 ayaa qaba
    Siinta mida xangulaha ma falgaleyso inta ay dhaleyso waxaa ku filan in laga saramariyo sidaa darteed daawo suuxdin kale ayaa loo baahanayaa oo qaybta Qaliinka ah

    Daawadan suuxdinta haddii aysan si fiican u shaqeynayn daawo badan ayaa loo baahanayaa si ay uga caawiso xanuunka inta lagu jiro qaliinka

    Qaliinka qaar ka mid ah jirka haddii uusan in ku filan ku shaqeeneen Qaybta qaliinka oo waxaa loo baahanayaa suuxdinta guud
    Caam - ugu yaraan 8dii ilaa 10kii qofood 1 ayaa qaba




    Laf-dhabareed:
    Marmar - ugu yaraan 20kii qofood 1 ayaa qaba
    Xanguleed:
    Caam - ugu yaraan 7dii qofood 1 ayaa qaba

    Laf-dhabareed:
    Marmar - ugu yaraan 50kii qofood 1 ayaa qaba
    Xanguleed:
    Marmar - ugu yaraan 20kii qofood 1 ayaa qaba
    Madax xanuun daran Xanguleed:
    Aan caam aheyn - ugu yaraan 100 qofood 1 ayaa qaba
    Laf-dhabareed:
    Aan caam aheyn - ugu yaraan 500 qofood 1 ayaa qaba
    Waxyeelo soo gaara neerfaha
    (Tusaale ahaan, kabaabiyo meel ku kooban oo lugta ama cagta ah, dabardari ay lugta yeelato)
    Waxyeelooyinka waxay ku dhamaanayaan in ka yar lix bilood):
    Yara dhif ah - 1,000 ilaa 2,000 qofood 1 ayaa qaba

    Waxyeelooyinka waxay ku dhamaanayaan in ka badan lix bilood):
    Dhif ah - ugu yaraan 24,000 qofood 1 ayaa qaba
    Qoorgooye Aad dhif u ah - ugu yaraan 100,000 qofood 1 ayaa qaba
    Malaxaysi (hurgun) lafdhabarta dhexdeeda barta laf-dhabareedka ama xanguleedka

    Xinjir (xinjir dhiig) lafdhabarta dhexdeeda barta laf-dhabareedka ama xanguleedka

    Malaxaysi ama xinjiroobid oo sababaya dhaawac daran, oo isugu jira qalal (paraplegia)
    Aad dhif u ah - ugu yaraan 50,000 qofood 1 ayaa qaba


    Aad dhif u ah - ugu yaraan 168,000 qofood 1 ayaa qaba


    Aad dhif u ah - ugu yaraan 100,000 qofood 1 ayaa qaba
    Oo ay la jirto xangusha:

    Xaddi badan oo suuxdinta meel ka mid ah jirka ayaa si lama filaan ah loogu duray xididka ku yaala lafdhabarta

    Xaddi badan oo suuxdinta meel ka mid ah jirka ayaa si lama filaan ah loogu duri karaa qulqul lafdhabareed, kaasoo sababi kara neefsashadoo adkaata iyo, waxaa aad dhif u ah suuxsanaan
    Aad dhif u ah - ugu yaraan 100,000 qofood 1 ayaa qaba


    Yara dhif ah - ugu yaraan 2,000 qofood 1 ayaa qaba

    Tirada saxa ah looma heli karo dhammaan halisyadan iyo waxyeelooyinkan.

    Tirooyinka waa qiyaas wayna ka duwanaan kartaa isbitaalba isbitaalka kale.

    Kaadhkani waa mid kooban. Waxaa jira macluumaad badan oo ku jira barta-internetka www.labourpains.com Haddii aad wax walaac ah qabto, fadlan kala hadal dhakhtarkeena suuxdinta.

    Waxaan ugu mahad naqeynaa samofalka Suleiman D. Borei oo ku deeqay turjumaadan loogu talogalay OAA

    Isutaga Dhakhaatiirta Suuxdinta Umusha 2012
    Registered Charity No 1111382
    www.labourpains.com

Creative Commons License
To read more please click the link below.
This work is licensed under a Creative Commons Attribution-NonCommercial-NoDerivatives 4.0 International License.